Foto: Pontus Lundahl/Scanpix

Shahaadooyinka cusubi waa kuwo aan caddaalad ku dhisnayn

Ardayda ka baxi doona dugsiyada sare xilliga dayrta 2014 waxaa ku adkaan doona tartanka ay ugu jiraan in ay bilaabaan waxbarashada jaamacadaha haddii aysan dowladdu si degdeg ah wax uga beddelin nadaamka ardayda loogu qaadanayo tacliinta sare. Waxaa sannadkii 2011 dugsiyada sare ee dalka laga dhaqangeliyey habka cusub ee shahaadooyinka oo ka kooban lix derejo oo kala ah A ilaa F. Waxaana lagu beddelay nadaamkii hore oo koobnaa afar oo kala ah MVG (si aad u wanaagsan u gudbay) ilaa IG (waa ku dhacay.

Mid ka mid ujeeddooyinka isbeddelkaan laga leeyahay ayaa ah in la helo shahaadooyinka caddaalad ku dhisan. Mar uu wargayska Dagens Nyheter is barbardhigay shahaada-bixinta dugsiyada sare ee 20 degmo waxaa ifbaxay in nadaamkaan cusub ay aad uga adag tahay in la helo shahaadada ugu dhibcaha badan marka loo eego nadaamkii hore ee shahaadooyinka.

Dowladda ayaa horay u soo bandhigtay in ardayda loo kala soocayo kooxo, laakiin wax jawaab ah kama bixin marka si dhab ah loo dhaqangelinayo.

Isha: DN, TT

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".