Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Shilkii baska Göteborg oo aan cidna loo haysan

Publicerat torsdag 4 april 2013 kl 15.05
sawirle: Peo Wenander/SR P4 Göteborg

Boliisku ma tuhunsana in fal dembi ka dambeeyey shilkii baska oo maalintii arbacada ka dhacay fagaaraha lagu magacaabo Drottningtorget ee ku yaal bartamaha magaalada Göteborg.

Laba qof ayaa ku dhaawacantay kadib markii basku waddada ka baxay oo dhexjibaaxay fagaarihaas. Dadkii halkaa wax ku soo gaareen waxaa xaaladdiisu ugu liidatay nin 70 sano jir ah. Isbitaalka jaamicadda ee Sahlgrenska ayaa sheegaya in ninkaa xaaladdiisu ay hadda deggan tahay oo aysan naftiisu halis ku jirin.

Qof dumar oo da’deeda lagu qiyaasay labaatanaadkii ayaa basku jiiray kadib markii ay isku dayday in dadka uga digto baskaas kontarool-la’aanta ku socday. Gabdhaasi waa ay haleeli weydey in ay iska badbaadiso. Boliiskuse wuxuu sheegayaa in dhaawacyada soo gaaray ay yihiin kuwo fudud.

Wadihii baska ayaa isagana loo qaaday isbitaalka in kastoo aysan jirkiisa soo gaarin dhaawacyo.

Isha: TT

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".