Sawirle: Scanpix

Xisbiga S oo xubnihiisu isa sii dhimayaan

Xubnaha xisbiga sooshaal dimoqraadiga ayaa isa sii dhimaya. Waana markii ugu horreysey taariikhda casriga oo ay xubnihiisu ka hoos maraan 100000 oo xubin.

Xubnaha xisbigu waxay hoos ugu dhaceen ilaa 9700 oo qof marka laga soo bilaabo sannadkii 2009. Kala guurkii sannadihii 2012 iyo 2013 waxay tirada xubnaha xisbigu ahayd 99484.

Sidoo kale ayey da’da xubnaha xisbigu u soo kordheysey. Hadda celceliska da’da xubnuhu waxa weeye 63 sano. Qaybta xubnaha hawlgabka ahi waxay ka soo kordheen boqolkiiba 44 oo ay gaareen boqolkiiba 47.

Shalay fiidkii ayaa shirweynaha xisbiga diiradda lagu saaray hadafka cusub oo ah in xubno cusub oo gaaraya 10000 sannadkiiba lagu soo daro xisbiga.

Isha: DN

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".