Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Sawirle: Claudio Bresciani/Scanpix

Löfven oo si aqlabiyad leh loogu doortey hogaamiyaha xisbiga S

Weligey kama shakin mabaadii'ida xisbiga
2:11 min

Shir-weeynaha xisbiga Sooshiyaal-dimoqoraadiga uga socda magaalada Göteborg ayaa Stefan Löfven si rasmi ah loogu doortay jagada hoggaanka xisbiga Sooshiyaal-dimoqoraadiga. Jagadaasina oo muddo sannad iminka laga joogo loogu doortey si ku-meel-gaar ah.

- Ma u dooran karnaa Stefan Löfven jagada hogaamiyaha xisbiga?
- Haa
- Waa go’aan la isku raacsan yahay sow maaha?
- Waa go’aan loo mideeysan yahay iyo sacab.

Codeeynta uu shir-weeynuha oo ah hayadda ugu sarreeysa ee go’aammada xisbigu ku ansixiyay in Löfven uu noqdo hogaamiyaha xisbiga ayaa ka dhigeeysa mid si rasmi ah jagadaa loogu doortey, isagoona uu Löfven codeeyntaa ka dib uu sheegey inuu aad ugu farax-san yahay jagada loo magacaabey, isla-markaana uu xisbiga Sooshiyaal-dimoqoraadigu yahay mid dhiigga kaga jira. Ereyadiisiina waxaa ka mid ahaa:
- Waad fahmi kartaan xiisaha uu go’aankiinu u leeyahay wiil yar ee ku soo barbaaray carriga Ådalen. Waxaan qeeyb ka ahaa dhismaha urur dhallin-yaro ee xisbiga waqti la soo dhaafay. Östen Höggman oo daarta ku sugan ayaa ka mid ahaa. Illaa iyo toddobaatameeydii illaa hadda ayaan xubin ka ahaa xisbiga, welina waan ka ahay. Aniga oo la xafladeeyn jiray xisbiga, dhanka kalena la tiiraanyoon jiray kolka ey caqabado la soo gudboonaadaan. Marna ima soo marin inuu shaki iga galo xubin-nimada xisbiga iyo mooqifka aan siyaasad ahaan taagnaa.

                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".