Sawirle: SVT

Magdhaw loo oggolaaday shaqaalihii reer Kaameruun

Shaqaalihii kaymaha ee reer kaameruun oo lagu soo khiyaamay in ay Iswiidhen ka shaqayn lahaayeen iyagoo la siinayo mushahar aad u hooseeya ayaa hadda loo oggolaaday lacag magdhaw ah oo ay iska soo ururinayaan shirkadaha ka ganacsada dalagga kaymaha. Sidaasna waxaa qoray wargeyska SvD Näringsliv. 

Shirkadaha kaymaha SCA iyo Holmen ayaa go’aansaday in ay soo ururiyaan lacagtaas, laakiin ma aysan sheegin inta ay deeqdani dhan tahay.

Barnaamijka Uppdrag granskning ee SVT ayaa sannadkaan horraantiisii lagu soo baahiyey in shaqaalaha reer Kaameruun lagu soo jiitay in la siinayo 18 500 oo mushahar ah bishii. Waxayse mushaharooyin aad uga hooseeya ka heleen dullaalo qandaraas ka haystey shirkadaha kaymaha ee SCA iyo Holmen.

Shirkadaha kaymuhu waxay durbadiiba buriyeen heshiiskii ay la lahaayeen qandaraasleyda kadib markii la kashifay xaaladdaa kadeedan ee shaqaalaha.

Isha: TT

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".