Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Ugaarsiga burcad badeedda oo uu dalkani sii wadi doono

La daabacay torsdag 4 april 2013 kl 16.23
Burcad-badeed ey qabaneyaan ciidanka Iswiidhen. Sawirle: Sergeant Mats Nyström / Combat Camera / Försvarsmakten

Ciidammada mariineeska ee dalkan Iswiidhen ayaa halkoodii ka bilaabi doona la dagaalanka iyo ugaarsiga burcad-badeedda. Laga bilaabo maalinta sabtida ee foodda innagu soo haysa ayey ciidammo gaarsiisan 117, saaranna markabka dagaalka ee HMS Carlskrona ey howl-galkooda ka bilaabi doonaan carriga gacanka cadmeed iyo bad-weynta Hindiya ee xeebaha Soomaaliya. Ciidankaasina oo ka mid noqon doona howlaha ey carrigaa ka wadaan qorshaha la dagaalanka burcad-badeedda ee EU-da.

Waa markii saddexaad ee ciidammo mariinees oo ka socda dalka Iswiidhen qeyb ey ka noqdaan la dagaalanka burcad-badeedda muddada sanooyinka gaarsiisan faraha ba'an ku hayey maraakiibta isaga gooshta gacanka Cadmeed iyo bad-weynta Hindiya.
- Waa howl si hab-sami leh u socota, sida uu u sheegay hoggaanka ciidammada mariineeska ee ka howl-galeya carrigaa, admiraal Jan Törnqvist mar uu u warramayay hayadda wararka Iswiidhen ee TT:

Isha/ TT.

                                                                    kenadid.mohamed@sr.se

                                     

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".