Ilmo keligiis ah oo laga helay bartamaha Uppsala

Wararkii gobolada ABC ee SVT waxaa lagu sheegay in ilmo kaloo keligiis oo baadi ah laga helay bartamaha magaalada Uppsala.

Ilmahaan oo wiil ahaa ayaa shalay laga helay xarunta safarada Uppsala, waxaana xannaanadiisa la wareegay xafiiska gargaarka bulshada.

Ilaa hadda waxaa marxalado middaan la mid ah Uppsala looga dhexhelay afar wiil oo da’doodu u dhexeyso toban iyo shan-iyo-toban sano.

Wiilashaasina waxay sheegeen in ay ka yimaadeen dalka Afqaanistaan.

Isha: Ekot

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".