Dilkii dahablaha oo in la xalliyo ku dhow

Nin 24 sano jir ah ayaa khamiistii loo taxaabay xabsiga siihaynta isagoo lagu tuhunsan yahay dilkii ninkii dahablaha ah oo ka dhacay xaafadda Reimersholme ee magaalada Stockholm. Dilkaas ayaa la xiriirtay dhacdadii afduubka ee toddobaadkii la soo dhaafay. Ninkani isaga ayaa iskii isugu dhiibay boliiska shalay galabnimadii. Kadibna xabsiga ayaa la dhigay isagoo lagu tuhunsan yahay afduub iyo dil.

Intii uu socday wadahadalkii siihaynta ayuu ninkaan 24-jirka ahi qirtay in uu sababay dhimashada qof kale iyo dhac hubeysan. Waxaa kaloo jira ugu yaraan labo qof oo loo raadinayo dhacii loo geystay dahablihii 73 sano jirka ahaa.

Isha: Ekot

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".