Sawirle: Magnus Bergner, SR.

Gabdhaha dareenkooda caafimaad oo ka liita kan wiilasha xilliga dugsiyada

Cilmi-baaris ay soo saartay Hay’adda kaalmada ardayda ee loo yaqaan CSN ayaa lagu sheegay in caafimaadka gabdhaha maskax ahaan iyo jir ahaanba uu ka liito kan wiilasha xilliga ay ku jiraan waxbarashada dugsiyada. Waxaa cilmi-baarista lagu muujiyey in marka la barbardhigo wiilasha ay gabdhuhu caadi ahaan dareemaan welwel iyo walaac. Waxaa intaa dheer in gabdho badan oo arday ahi ay ka cawdaan xanuuno ka haya dhabarka, luqunta iyo garbaha. Tobankii gabdhood siddeed ayaa dareema kadeed halka ay wiilasha ka yihiin tobankii wiilba lix.

Madelene Wikstén oo baare ka ah CSN ayaa sheegtay in ay sababtu tahay in ay gabdhuhu waxa ay qabanayaan iska saaraan culeys ka badan kan wiilasha, in kastoo ay guud ahaanba gabdhuhu kaga fiican yihiin wiilasha xagga waxbarashada.

- Gabdhuhu waxay aad uga fekeraan in ay wax walba si dhammaystiran u sameeyaan, in ay aad waxbarashada xariif ugu yihiin iyo in ay si wanaagsan u fuliyaan waxa ay ku hawllan yihiin. Taas kama aragno waxa wiilashu noo sheegaan waayo iyagu hab debecsan ayey u arkaan ka soo dhalaalka duruusta. Raggu ma dareemaan culays ka haysta xagga duruusta sida dumarku sheeganayaan.

Isha tixraaca: Ekot, P3 nyheter

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".