Sawirle: Alexander Linder/ Sveriges Radio.

Buuro baraf ah oo dusha uga habsaday Åre

Buuro baraf ah ayaa maanta xilligii qadada kadib ku soo dumay Åre oo ah degaan ay tagaan dadka barafka ku orda. Waxaa baaritaan loo adeegsaday eeyo iyo helikobtar lagu sameeyey goobtii barafku ku dumay, laakiin wax dad ah lagama helin oo sidaas ayaa loo joojiyey hawlgalkii gurmadka.

Bilowgii bishii maarso waxaa Åre ku dhintay nin 30 sano jir ah kadib markii uu qaatay baraf xooggan oo ku soo dumay. Dhawr saacadood kadib ayaa isagoo qaboow la kogay laga helay barafka hoostiisa laakiin ma dhicin in naftiisa la badbaadiyo.

Isha: Ekot, TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".