Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dadka isticmaala maandooriyaha oo cirbadaha laga beddelayo

Publicerat fredag 5 april 2013 kl 16.36
Sawirle: Henrik Montgomery/Scanpix

Waxaa toddobaadka soo socda Stockholm laga bilaabi doonaa meel tijaabo ah oo ay dadka maandooriyaha isticmaala keeni doonaan cirbadaha ay isticmaaleen si loo siiyo kuwo nadiif ah.

Laga bilaabo maalinta talaadada waxay dadka da’doodu ka weyn tahay 20 sano oo daroogada isku dura imaan karaan qol ku ag yaal isbitaalka S:t Görans sjukhus si baaritaan looga qaado, loo daaweeyo, loona tallaalo. Waxay kaloo halkaa kula kulmayaan hawlwadeeno ka socda xafiiska gargaarka bulshada iyo daryeelka dadka isticmaala maandooriyayaasha. Booqashada ugu horreysa oo ay ku yimaadaan xarunta qaabbilaadda, waxay fursad ugu heli karaan in laga baaro in ay qabaan fiiruska HIV iyo in kale.

Waxaa gobolka Stockholm ku nool dad gaaraya 8000 ilaa 9000 oo si ba’an u isticmaala maandooriyaha.

Sanooyin badan ayaa mashruucaan laga soo doodayey.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".