Stefan Löfven på Socialdemokraternas kongress. Foto: Claudio Bresciani / SCANPIX
Ururka haweenka S oo ku guuleeystey bilo dheeri ah

Saddex qeybood oo is le’eg ayuu noqon ceeymiska waalidiintu

Xisbiga Sooshiyaal-dimoqoraadiga ee shir-weynuhu uga socdo magaalada Göteborg ayey maanta xubnihii shir-weynaha ka qeeyb-galayey ku gaareen go’aan meel dhexe la isugu yimid, iyadoona loo coodeyyey fikir lid ku ah kii uu soo ban-dhigay hoggaanka xisbiga ee ahaa in tallaabada ugu horeeysa ee ceeymiska waalidiintu laga bilaabo iyada oo bil dheeri oo khasab ah loogu daro aabbeyaasha ee la xiriira fasaxyada dhallaanka loo qaato. Aqlabiyadda shir-weynaha ayaa taageerey in muddada ceeymiska qooyska loo kala qeeybiyo saddex qeybood oo is le’eg. Qayb hooyadu leedahay, mid aabbuhu leeyahay iyo mid reerku go’aan ka gaari karaan ciddii qaadan lahayd.

Fikirkan oo uu wtay ururka haweenku ayuu dhowr jeer horey ugu soo ban-dhigey shir-weyneyaashii midkan ka horeeyey, hase yeeshee looga guuleeystay. Waana guul minka raaxday, maadaama qoraalka go’aankan lagu qeexay sidan: ”bilo dheeri ah” ayaa suulka loogu xiri doonaa mid walba ka mid ah labada waalid, aabbaha iyo hooyadaba.

                                                                kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".