Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Xisbiga S oo doortay xubnaha golaha sare ee xisbiga horseedi doona

Galab-nimadii maanta ayaa la go’aamiyey in xubno dheeri ah ee cusub lagu daro hoggaanka sare ee xisbiga Sooshiyaal-dimoqoraadiga (verkställande utskottet) VU

Xubnaha cusub ee golaha sare ee xisbiga ayaa kala ah: Morgan Johansson, af-hayeenka xisbiga ee dhanka xeerka, hogaamiyaha ururka shaqaalaha ee LO Karl-Petter Thorwaldsson, af-hayeenka xisbiga ee dhanka dhaqaalaha Magdalena Andersson, Ardalan Shekarabi, SSU iyo ku simaha hogaamiyaha ururka shaqaalaha maqaayadleyda iyo sidoo kale af-hayeenka xisbiga ee arrimmaha dibadda Urban Ahlin.

Waxaa dhanka kale ka fariistey howhii golaha sare ee xisbiga, S: Leif Pagrotsky, Sven-Erik Österberg iyo hogaamiyihii hore ee ururka LO Vanja Lundby-Wedin.

Shir-weynaha ayaa sidoo kale go’aamiyay in kursi dheeri ah lagu daro xubnaha golaha sare ee xsbiga, la baabi’iyo golaha talada, isla-markaana la dhimo kullammada ey yeeshaan xubnaha hoggaanka xisbiga. Tallaabooyinkaa ayaa siineya awood dheeri ah golaha sare ee xisbiga.

Isha/ TT/Ekot

                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".