Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Silsilad alarm ah.

Is bedelka teknoloojiyada oo dhibaato ku haya isticmaalka alaarmiga

Waa in la xaqiijiyo ammaanka alaarmiga waayeelka
2:19 min

Dadyoowga boqolaalka kun ey tiradoodu gaareeyso ee isticmaasha aaladaha alaarmiga ayaa dhibaato kala kulma iyada oo is-bedel lagu sameeneyo isticmaalka aaladaha lagana dhigeyo kuwo fiilo la'aan ah ama waxa dijitalka loo yaqaanno.

Masuuliyadda ayay inta badan saaran tahay waayeelka iyo dadyoowga iimaha leh ee aan isku filleyn, hase yeeshee iminka loo baahan yahay in maamullada degmooyinku iska saaraan masuuliyad dheeri ah xilliga lagu jiro is-bedelka kala guurka teknooloojiyada. Waa fikir uu baaritaan ku soo ban-dhigay machadka qalabka taageerada, middaasina oo baaritaan lagu sameeyey xilliga kala-guurka teknoloojiyada ee saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey. Claes Tjäder, waa madaxa laanta hor-u-marka ee machadka:
- Dhibaatada maanta ka taagan nidaamka alaarmiga ayaa ah in aan la kala garan karin inuu shaqeeynayo iyo in kale. Halka caqabadda ugu ballaarani tahay in kolka la riixo badhanka uu shakhsigu u qaato inuu helayo taageero, hase yeeshee aan wax la maqal, cidina aanay taageero ula iman, sida uu sheegay Claes Tjäder.

Tusaale ahaan ayuu sannadkii 2007 gurigiisa ku geeriyooiday oday 76 jir oo wadnaha lagaga soo booday, hase yeeshee uu alaarmigiisii oo lagu xirey aaladda internet-ka uu shaqeeyn waayay.

Dhammaan maamul-goboleedyada, kuwa degmooyinka iyo shirkadaha ku shaqada leh hoowlahana ayaa isku raacsan in loo baahan yahay sidii dijital ammaan ah looga dhigi lahaa qalabka alaarmiga ammaanka oo ku xiran xarummaha dhexe ee gargaarka degdegga, kolka la siibeyo tiirarka siinka telefoonnada. Iyada oo muddo laba sannadood gudahood la fileyo in dhammaan 200 000 ee ruux ee isticmaasha alaarmiyada ammaanka ey noqdaan kuwo ku shaqeeya habka dijitaalka, hase yeeshee hoowshaasi tahay mid aan sahlanayn oo lagala kulmey dhibaatooyin kala duwan.

                                                                        kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".