Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Qiimaha kirooyinka guryaha oo kor u kacey

La daabacay måndag 8 april 2013 kl 12.05

Is-bedel ballaaran ayaa ku dhacey kirooyinka guryaha, dabdeed kolkii is-bedel lagu sameeyey xeer u fasaxayey mulkiileyaasha guryaha iney gacan labaad ku kireeyn karaan, isla-markaana kiro dheeri ah ka qaadan karaan macaamiisha ey guryaha ka kireeyaan.

Magaalada Istockholm ayey tiro ahaan kor u kaceen guryaha la kireeysto, isla-markaana ka qaaliyoobeen. Halka faras-magaalaha Istockholm ey kirooyinku kor u kaceen 19% muddo sannad gudihiis ah.

Waa mid lala yaabo iney isku mar kor u kacaan tirada guryaha la kireeysan karo iyo qiimaha kiradaba, sida uu sheegay Stellan Lundström, ahna caalin ku takhasusay culuunta dhaqaalaha ee ra'sumaalka aan guurin kana howl-gala jaamicadda KTH.

Caalinka ayaa sheegay mar uu u warramayay war-geeyska maalinlaha ee SvD in kor u kaca kirooyinka ey ugu wacan yihiin baahida badan ee loo qabo iyo bulshada faraha badan ee u soo guureysa magaalada Istockholm.

Isha/ SVD

                                                                           kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".