Xeerka masuuliyadda dhallaanka oo qiimeyn lagu sameeyn doono

Wixii ka dambeeyey sannadkii 2006 oo uu hir-galay xeerkii cusbaa ee la xiriiray cidii qaadi lahayd masuuliyadda dhallaanka ey waalidkood ey kala tageen ayey laba jibaarmeen dacwooyinka soo gaara maxkammadaha iyo sidii loogu gar-naqi lahaa waalidiintaa.
Xeerkaasi oo oranayay in wallidiintu yeelan karaan masuuliyad guud oo ey u siman yihiin oo keliya haddii ey wada-shaqeeyni ka dhexeeyn karto. Waana xeer dhaleeceeyn dusha loogha tuurey lana sheegey inuu ku dhiiri-gelineyo waalidiintu in aaney wax ku heshiin.
maxkammaduhu gaareen go'aan ah in masuuliyadda ey wadaagaan labada waalid, iyada oo la ogsoonaa in mid waalidiinta ka mid ahi uu dagaal badnaa, lahaa dhibaatooyin la xiriira muqaadaraad ama la il-darnaa xanuun maskaxda ah. Hase yeeshee aan illaa hadda wax qiimeeyn ah lagu sameeyn xeerka. Iminka oo ey ka soo wareegtay toddoba sannadood ayay dawladdu qorsheenaysaa sidii qiimeeyn loogu sameeyn lahaa xeerka.
Isha/ DN, Ekot