Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Xeerilaaliyaha guud oo dalbay dib-u-eegid dacwad

Publicerat måndag 8 april 2013 kl 13.21
Sawirle: Mona Hambraeus/Sveriges Radio.

Xeerilaaliyaha guud ayaa dalbadaya in dib loo furo dacwaddii ka dhacday Xeebta galbeed, halkaas oo nin 39 sano jir maxkamaddu ka sii deysey laba jeer dembigii lagu oogay oo ahaa in uu qudha ka jaray gabar uu horay u la noolaa. Maxkamadda sare ayaana go’aan ka gaari doonta in dacwadda ninkaan dilka lagu tuhunsan yahay dib maxkamadda loo horkeeno iyo in kale.

Saddex sano ayaa gabadhaan laga waayey gurigeeda oo ku yaal bannaanka magaalada Stenungsund. Markii ay ka soo wareegtay sannad iyo bar ayaa meydkeedii la helay bishii abriil ee sannadkii hore.

Codsiga cusub ee xeerilaaliyaha guud ayaa lagu iftiiminayaa waxyaalo cusub oo laga ogaaday meydka iyo baaritaan lagu sameeyey.

Badanaaba ma dhacdo in dib loo furo dacwad qof horay loo siidaayey.

Isha: Ekot

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".