Sawirle: Tor Arne Dalsnes/Scanpix.

Dabkii qabsaday Scandinavian Star wuxuu ahaa mid lagu talagalay

Baaritaan madaxbannaan oo lagu sameeyey dabkii qabsaday markabkii Scandivnavian Star oo ay ku nafwaayeen 159 qof 23 sano ka hor ayaa muujinaya in dabkaasi ahaa mid ku talagal loo qabadsiiyey. Baaritaankuna wuxuu farta ku fiiqayaa qaar ka mid ah shaqaalihii markabka. Waxaana la tuhunsan yahay in sababtu la xiriirtey arrimo dhaqaale.

Boliiska Noorwey ayaa baaritaankiisii la xiriiray dhacdadaas ku caddeeyey in ay falkaas dembiga ah ku tuhunsan yihiin dareewal u dhashay Daanmaark. Laakiin lama samayn wax baaritaan ah oo lagu ogaanayo haddii ay jirto cid dhaqaale ahaan ka faa’iidi lahayd in markabku gubto.

Koox khubaro ah oo iskood isugu xilsaaray ayaa soo akhriyey 23000 oo dokumenti oo isugu jira qoraaladii markhaantiyada iyo sawiro, kadibna go’aansaday in uusan dembigaas gelin dareewalka daanishka ahi. Waxaase la tuhunsan yahay dhawr qof oo ka mid ah shaqaalaha shirkadda markabka oo wax ka qaatay lacagtii caymiska. Markabku wuxuu wakhtigii dabku qabsaday ku jiray caymis aad u sarreeya.

Isha: Ekot

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".