Sawirle: Nina Varumo/Scanpix.

Daryeel caafimaad oo ka hortag ah ayaa faa’iido ku jirtaa

Shirkaduhu waxay ku faa’iidi karaan in ay ka hortagaan caafimaad-darrada xagga maskaxda ee shaqaalaha. Hay’adda isuduwidda siyaasadda naafada oo lagu magacaabo Handisam, ayaa qoraal ay soo saartay ku soo qaadatay sagaal shirkadood iyo ururo ay dadka u shaqeeyaa ka sheegtaan fiyoobi la’aan xagga maskaxda.

Waxaa xafiiska caymiska bulshada laga soo xigtay in kharashka ku baxa fiyoobi-la’aanta xagga maskaxda sida isku buuqa uu gaaraayo ilaa 19 bilyan oo karoon. Laakiin maalmaha uu qofka shaqaalaha ahi jirrada u qaato mar walba laguma xisaabiyo kharashka shirkadda.

Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa arrin ku saabsanayd nin furriin la soo gudboonaaday awgiis, isagoo lahayn maalmo uu jirro u qaato, uu waxqabadkiisii hoos ugu dhacay boqolkiiba 20 ilaa 30 muddo sannad iyo bar ah. Waxay shirkaddu ku khasaartay lacag ku dhow 400 000 oo karoon. Haddii wakhti hore lagu maalgelin lahaa 10 000 oo karoon in la hadal lagu caawinayo qofkaas, waxaa shirkadda u baaqan lahaa lacag badan.

Isha: Ekot

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".