Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Tartan kubbadda cagta oo loo joojiyey rabshado awgood

La daabacay tisdag 9 april 2013 kl 11.09
Sawirle: Leif R Jansson/Scanpix.

Cayaar kubbadda cagta oo ku dhexmartay kooxaha Djurgården iyo Mjällby garoonka Stockholms stadion ayaa garsoorihii joojiyey 36 daqiiqo kadib. Waxaana sababay waxyaalo lagu soo tuuray cayaartooyda Mjällby. Tommy Jacobsson oo ah hoggaamiyaha Djurgården ayaa sheegay in cayaarta gadaal laga dhammaystiri doono.

Cayaarta waxaa hoggaamineysey kooxda Mjällby kadib markii uu Robin Strömberg gool dhaliyey daqiiqadii 36aad. Kolkaas ayaa kooxdii goolka dhalisay ku hor damaashaadeen taageerayaasha kooxda Djurgården oo iyaguna ugu jawaabay in ay garoonka ku soo dhex tuuraan dhalooyin khamri laga cabbey iyo khudrad.

Miro cambaruud ayaa lala beegsaday cayaaryahanka Mjällby, Gbenga Arokoyo oo markiiba dhulka ku dhacay. Garsoorihii ayaa isla markiiba cayaartii joojiyey, cayaartooydiina garoonka ka saaray. Kadib kulan 45 daqiiqo qaatay oo ay yeesheen garsoorayaasha cayaarta, boliiska iyo wakiilada labada naadi ayey isla garteen in aan cayaarta dib loo bilaabin habeenkii isniinta.

Wuxuuna noqonayaa tartankii ugu horreeyey oo la joojiyo ilaa dayrtii 2011, kolkaas la joojiyey cayaar u dhexeysey kooxaha Malmö FF iyo Djurgården kadib markii garoonka lagu soo tuuray baaruudda qaraxda.

Isha: Radiosporten

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".