Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Degmo diidday in calanka roomerku ka hor lusho aqalka degmada

La daabacay tisdag 9 april 2013 kl 11.18
Sawirle: Mikaela Pallin/SR.

Hoggaanka maamulka degmada Växjö ayaa is hortaagay in calanka roomerka laga hor taago aqalka degmada si loogu dabbaaldego 8da abriil oo ah maalinta dunida ee qowmiyadda roomerka.

Shabakadda Flysam, oo soo jeedisay in calanka laga hor taago aqalka degmada ayaa horay ruqsad uga heshay shirkadda guryaha degmada oo lagu magacaabo Vöfab. Subaxdii isniinta markii calanka la saari lahaa ayaa shirkaddii Vöfab muuqeeda la waayey.

Waxaa soo ifbaxay in xildhibaanka degmada oo lagu magacaabo Bo Frank uu arrinta is hortaagay. Guddoomiyaha maamulka degmada ayaa sheegay in la oggol yahay calamada dowladaha oo qura. Marka laga reebo calanka Pride – maadaama ay degmada Växjö ahmiyad weyn siiso kala duwanaanta.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".