Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Baaritaan lagu samaynayo in la helo tallaal ka hortaga fiiruska Rota

Rotavirus waa fiirus badanaaba sababa shuban-biyood daran oo ku dhaca carruurta da’doodu tahay ilaa saddex sano. Machadka ka hortagga cudurada faafa ayaa baaraaya sidii loo heli lahaa tallaal looga hortago fiiruska keena shuban-biyoodka oo ka mid noqda barnaamijka tallaalka dadweynaha.

Fiiruskaan ayaa hadda dad badan asiibay isagoo garabsocda cudurka matagga qaboobaha. Wuxuuna inta badan sababaa in carruurta da’doodu u dhexeyso lix bilood ilaa labo sano uu ku dhaco caloolxanuun.

Fiiruska laftiisu khatar ma aha, laakiin wuxuu keeni karaa in dhallaanka yaryar uu ku dhaco jirka oo qallala oo dhacaanku ka dhammaado.

Hadda tallaal waa la helaa, laakiin kama mid ah barnaamijka tallaalka dadweynaha.

Isha: Ekot, TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".