Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Xukun lagu riday odaygii ku soo caanbaxay kufsiga

La daabacay tisdag 9 april 2013 kl 13.23
Sawirle: Scanpix.

Maanta ayey maxkamadda degmadu xukun ku riday ninkii ku caanbaxay magaca Södermannen. Waxaa lagu soo eedeeyey in uu galmo aan khasab ahayn la sameeyey gabar ay nolosha dhibaato ka haysatay. Waxaa dhacdaan loo arkaa in ay tahay kufsi ilmo yar maadaama ay gabadhani markaas jirtay 14 sano. Ninkani wuxuu gabadha siiyey daroogada loo yaqaan cannabis si uu u la galmoodo.

Maxkamadda degmada ayaa ninkaan ku xukuntay in uu galay falal dembi oo kala ah i uu kufsaday dhallaan, in uu dhallaan ka iibsaday la galmood iyo dembi daroogo la xiriira. Ciqaabtuna waxay noqotay afar sano oo xabsi ah.

Ninkaan ayaa horay loogu xukumay falal kufsi oo is dabajoog ah oo ka dhacay magaalooyinka Göteborg iyo Stockholm sanooyinkii toddobaatanadii iyo siddeetameeyadii. Waayadaas wuxuu gurigiisa u soo kaxaysan jirey dumar uu kadibna kufsan jirey.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".