Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Hoggaanka sare ee xisbiga S oo yuhuud-nacayb lagu eedeeyey

La daabacay tisdag 9 april 2013 kl 14.22
Sawirle: Scanpix.

Cumar Mustafa oo dhowaan loo doortay golaha xisbiga Sooshiyaal-dimoqraadiga ayaa loo soo jeediyey dhaleeceyn ballaaran. Dhaleeceyntaasina waxay ku saabsan tahay xiriir uu la leeyahay dad ku caanbaxay yuhuud-nacaybka, oo marar lagu casumay in ay ka hadlaan shirweynaha ururka Islaamka oo Cumar Mustafa uu guddoomiyaha ka yahay. 

Willy Silberstein oo ka socda Guddiga iswiidhishka u qaabilsan la dagaalanka yuhuud-nacaybka oo ka mid ahaa dadkii dhaleeceynta u soo jeediyey ayaa ururka Expo u sheegay in Cumar Mustafa uu ahmiyad siinaayo shakhsiyaadkaas ku caanbaxay yuhuud-nacaybka.

Cumar Mustafa oo jawaab isdifaac ah ku qoray boggaTwitter isagoo sheegaya in uu iska fogeynayo wax alla wixi cunsuriyad ah ayaa yiri: ”Maalin walba ayaan la dagaalamaa cunsuriyadda nooca ay doonto ha noqotee”.

Isha: Expressen, Expo

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".