Xeer-ilaaliye, Gunnar Stetler.

Bulshada iswiidhishka oo aan aamin ku qabin siyaasiyiinta degmooyinka

Waa in maamullada degmooyinku hoowlahooda furfuraan
4:23 min

Labadii ruuxba mid ee ka mid ah bulshada iswiidhishka ayaan kalsooni ku qabin ama u haysta iney ka suurtoowdo musuq-maasuq xubnaha siyaasiyiinta ee degmooyinka dalku ka kooban yahay, sida ku cad war-bixin uu soo saaray guddi culimo ah ee ka howl-gala wasaaradda dhaqaalaha.

- Bulshada Iswiidhishku waa ey kaga shaki badan yihiin siyaasiyiintooda kolka loo barbar-dhigo, kolka loo barbar-dhigo waddammada dhaca waqooyiga Yurub. Labadii ruuxba mid ayaa aamin-san in siyaasiyiinta degmooyinku ey ku dhaqaaqaan musuqmaasuq, waana tiro aad uga sarreeyasa kolka loo barbar-dhigo fikirrada ey middaasi ka qabaan bulshooyinka ku dhaqan waddammada dhaca waqooyiga Yurub oo ey deriska yihiin, sida uu sheegay Andreas Bergh, ahna caalin ku takhasusay dhaqaalaha dalka, isla-markaana ka mid ah culimadii wax ka qortay war-bixintan:

Daraasaddan uu soo saaray guddigan culimada ee ka howl-gala wasaaradda dhaqaalaha ayey su'aalo ku weeydiiyeen dadyoow gaareya 1 500 iswiidhish ah, isla-markaana loo doortey si kama' ah iyo fikirka ey ka qabaan sida uu musuq-maasuqa-laaluushku caadi uga yahay degmooyinka.

Dhanka kale culimada ayaa culuuntan barbar-dhig kaga sameeysey midda caalamiga ah iyadoona lagu soo ban-dhigey waxyaabaha uu dalkanik aga duwan yahay waddammada kale:
- Bulshada iswiidhishka ayaa shaki ka ballaaran ka qaba siyaasiyiintooda degmooyinka kolka loo barbar-dhigo siyaasiyiinta qaran, middaasina oo ah arrin iska hor-imanaya, sida uu sheegay Andreas Bergh:
- Caadiyan waxey bulshooyinku aaminaan siyaasiyiinta degmooyinka, halka aaney ka aaminin siyaasiyiinta qaran, kuwa EU-da, hase yeeshee dalkani wuu kaga duwan yahay middaa bulshooyinka kale.

Maxaa haddaba middaasi ugu wacana?

Sababtu waxay tahay maadaama heerka degmooyinka lagu gaaro go'aammada khuseeya hab-nolo-wanaagga bulshada: Cidda boos uga heleysa dhallaankeeda iskuullka xannaanada ee la xiiseeyo, iskuulka ardeydu dhigato, goobaha dar-yeelka waayeelka. Sidoo kale cidda loo ogolaaneyo go'aanka dhismaha, iibinta khamriga iyo wixii la mid ah, sida uu sheegay Andreas Bergh:
- Dhammaan go'aammadaasi waxey siyaasiyiinta degmooyinku gaari karaan go'aammo u saameeyneya danahooda ama saaxiibadood, iyada oo la adeeg-saneyo awoodda dhaqaalaha ee cashuur-bixiyeyaasha, waa bulshada'e.

Culimada ka dambeeysey war-bixintan ayey u suurtagelin iney kala caddeeyaan iney falalka musuq-maasuqu kor u kaceen. Xeer-ilaaliye sare Gunnar Stetler oo ka howl-gala waaxda musuq-maasuqa ayaa sheegay in aanu howlshiisa ka dareemin iney kor u kaceen dacwooyinka la xiriira musuq-maasuqa. Hase yeeshee ey dacwooyinka soo gaaraa qaarkood leeyihiin sifooyin gaar ah:
- Dacwooyinka iminka na soo gaara ayaa ah kuwo aad u baaxad weyn lehna tayo ka duwan. Waa haddii sidaa la oran karo, marka loo barbar-dhigo sannadihii ka horeeyey. Waxaa kaloo dhici karta inay middaa ugu wacan tahay in fahamkii bulshada ee musuq-maasuqa la xiriiray uu kor u kacay iyo in dacwad laga gudbiyo hoowlahan oo kale, sida uu sheegay Gunnar Stetler.

Hoowlo sidee ah ayaa loo baahan yahey in la qabto si haddaba looga hor-tago musuq-maasuqa iyo laaluushka?

Caalinka Andreas Bergh ayaa su'aashaa ka haya fikir cad:
- Midda aan soo jeedineyno ayaa ah in loo sahlo suxufiyiinta, bulshada iyo cilmi-baareyaashaba iney baaritaan ku sameeyn karaan hoowlaha degmooyinka haddii loo baahdo, iyadaoona middaa lagu gaareyo furfurnaan inta maanta ka badan, xisaab-xirka degmada oo suurtagal laga dhigo in lagu soo ban-dhigo aaladda internetka iyo qaab aad u fudud, middaasina ey suurtagelinayso in si sahlan la isugu barbar-dhigi karo dhaqaalaha ey degmooyin kala duwani ku bixiyaan hoowlo isku mid ah. In si sahal ah loo arki karo, isla-markaana tix-raac loogu sameeyn karo halka uu ku baxo dhaqaalaha ceshuur-bixiyeyaasha iyo sidoo kale ciddaa la siiyo qandaraasyada kala duwan, sida uu sheegay Andreas Bergh.

                                                               kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".