Sawirle: Försäkrings AB Göta lejon

Niman dhallinyaro ah oo lagu xukumay magdhaw dhan 14 milyan

Kadib dacwaddii la xiriirtey dabkii burburiyey dugsiga Torslandskolan 2009 ayey maxkamadda degmadu ku xukuntay saddex nin oo dhallin yar oo ka yimid aagga Göteborg in ay bixiyaan lacag gaareysa ilaa 14 milyan oo karoon.

Baabuur ay nimankani dab qabadsiiyeen ayaa dugsiga ku duulay oo qabadsiiyey dab khasaare ba’an keenay. Nimanka oo lagu soo eedeeyey in ay ujeeddadoodu ahayd in ay bilaabaan dab dil geysta ayaa laga siidaayey dembigaas. Waxaase lagu xukumay in ay geysteen waxyeelo ballaaran.

Isha: TT, Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".