Sawirle: Liv Widell/Sveriges Radio

Danyar fara badan oo halis ugu jirta iney la soo gudboonaato guri la'aan

Kumanyaal ka mid ah dadyoowga kirada ugu jira guryaha nawaaxiyada ey ku dhaqan yihiin dadka dan-yarta ah ee loo yaqaanno "miljonprogram" ee la dhisay sannadihii lixdameeyayadii iyo toddobaatameeydaii waxey halis ugu jira iney ka guuraan guryihii ey deggenaayeen kuna soo dhacaan bannaanka, iyadoo ey middaasi ugu wacan tahay qiimaha kirooyinka oo aad kor ugu kaca. Kor u kaca qiimaha kirooyinka ayaa sabab looga dhigey iyada oo dayac-tir ballaaran lagu wado guryahaasi oo aan in muddo ah wax tallaabo ah laga qaadin.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".