Shimbir ka soo gooshay Afrika. Sawirle:Hasse Holmberg/Scanpix.

Allaylehe gu’gii waa na soo hayaa

Waxaan sugnaba gu’gii hadda ayuu foodda nagu soo hayaa. Dhammaanka toddobaadka na soo haya waxaa heerkulka hawada koonfurta Iswiidhen kor u dhaafi doonaa 15 derejo. Magaalada Linköping waxaa la filayaa in heerkulka hawadu gaaro derejada 18. Waxaa la filayaa in ay ugu kululaan doonto bariga jasiiradda Götaland.

In aan ku soo jirnay xilli qaboow dheer waxaa u daliil ah in ay shimbirihii soo guuri jirey ay labo toddobaad dib uga dhaceen xilligoodii. Shimbirahaasna waxaa ka mid ah shimbiraha u kala goosha Afrika iyo Yurub oo qaarkood lagu arkay gobolka Skåne iyo xeebta galbeed ee Iswiidhen.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".