Nin taksiile ah oo meydkiisa laga helay xaafadda Bergshamra

Kadib markii nin taksiile ahi ku dhintay dagaal gacanta la  isu tegey oo ka dhacay xaafadda Bergshamra oo ka tirsan degmada Solna ayaa la soo qabtay laban nin oo da’doodu tahay labaatanaadkii.

Xeerilaaliyuhu wuxuu go’aan ku gaaray in la bilaabo baaritaan ku saabsan dil kama’ u dhacay, laakiin boliisku waxay sheegen in aan ilaa hadda la ogeyn wixii sababay dhimashada taksiilahaas.

Xalay habeenbarkii ayaa alaarmi lagu helay in dareewal taksi oo dhaawacani uu ag yaal baabuur taksi ah. Taksiga waxaa ku rakiban kaamirad wax duubta mar alla markii dareewalku baabuurka soo galo iyo markii uu dibedda uga baxaba. Hadda boliiska ayaa baaritaan ku samaynaya sawiradii kaamirada.

Isha: Ekot, TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".