Sawirle: Jonas Ekströmmer / Scanpix

Kireystayaal badan oo halis ugu sugan in ay guryo la’aan ku dhacdo

1:34 min

Guryihii lagu dhisay waxa loo yaqaan ”miljonprogrammen” oo la dhisay sannadihii lixdameeyadii iyo toddobaatameeyadii ayaa hadda dayactir lagu hayaa meelo badan oo dalka ka mid ah. Idaacadda iswiidhen ayaa daraasad ku samaysay in kor u dhaaftay 100 xaafadood oo ay ku yaalliin guryaha la kireysto oo gaaraya ilaa 60000 oo guri. Boqolkiiba 90 dadka guryaha kireeyaa waxay sheegeen in kordhinta kirooyinka lagu maalgelin doono dayactirka guryaha.

Guddoomiyaha ururka kireystayaasha Barbro Engman ayaa welwel la muujisay waxa ka dhici doonaa qaybo badan oo Iswiidhen ka tirsan:

– Sida noo muuqata wuxuu cawaaqibku noqon doonaa in aan aragno dad badan ay ku khasabto in ay ka guuraan guryahooda oo bannaanka ku dhacaan. Waxaan hadda aragnaa dad badan oo aan guryahoodii dib ugu noqon karin kadib markii kirooyinka la kordhiyey boqolkiiba 50 ilaa 60. Dadkaasi waa in ay helaan meel ay degaan. Waxaa welwel laga qabaa in ay degmooyin badan la soo gudboonaan doonto dhibaato ijtimaaci ah maadaama ay hadda adag tahay in la kireysto guryihii horay u jiray iyo kuwa cusub.

Sofia Mattsson Linnala oo madax ka ah ururka guryaha dadweynaha oo loo soo gaabiyo Sabo waxay u aragtaa in aysan mulkileyaasha guryaha u bannaanayn wax aan ka ahayn kirooyinka oo la kordhiyo:

– Maanta ma jiraan ilo kale oo dakhli laga helo. Waayadii hore waxaa jirey noocyo canshuuro ah oo lagu maalgelin jirey qaybo ka mid ah dayactirka guryaha, haddase ma jiro hab u dhigma oo lagu maalgeliyo dayactirka guryaha la kireysto.

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista