Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Sawirle: Hasse Holmberg på Scanpix.

Tuuggii tunnelbaanaha oo Faransiiska lagu wareejinayo

Ninkii 29 jirka ahaa oo horay loogu xukumay in uu tunnelbaanaha Stockholm ku dhacay nin miyirbeel ah, kadib uga dhaqaaqay waddada tareenku maro ayaa lagu wareejinayaa dalka Faransiiska. Waxaa ninkaas lagu tuhunsan yahay in uu middi dhabarka ka geliyey nin, kaasoo u dhintay dhaawacii.

Helitaanka ninkaas 29 jirka ah waxaa boliiska faransiiska u fududeeyey filinkii ku saabsanaa falkii burcadnimada oo ku galay tunnenbaanaha Stockholm oo aad dunida ugu faafay. Qof telefishan ku daawanaya Faransiiska ayaa ninkaas ka aqoonsaday sawiradii dilkii middida oo ka dhacday duleedka magaalada Paris 31kii Jannaayo 2011, kadibna ku wargeliyey boliiska.

Maxkamadda degmada Södertälje ayaa go’aan ku gaartay in ninkaas lagu wareejiyo Faransiiska maadaama ay ciqaabtii xabsiga ee Iswiidhen u dhammaatay.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".