Sawirle: Janerik Henriksson/Scanpix

Xisbiga Sooshiyaal-dimoqraadiga: Waan ku kalsoonahay Cumar Mustafa

Hogganka xisbiga Sooshiyaal-dimoqraadigu weli kalsooni ayuu u hayaa Cumar Mustafa oo dhowaan loo doortay in uu xubin ka noqdo guddiga xisbiga in kastoo lagu dhaleeceeyey in shirkii ururkiisa ku casumay in ay ka hadlaan dad yuhuudda neceb. Xoghayaha xisbiga Carin Jämtin waxay sheegtay in ay Cumar Mustafa ka fileyso in uu ayidsan yahay mabaadi’da xisbiga.

Cumar Mustafa wuxuu hadda madax u yahay urur lagu magacaabo Isutagga ururada islaamiga.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".