Ka soo horjeedka tamarta nukliyeerka oo Iswiidhen ku sii xoogeysaneysa

Shilkii tamarta nukliyeerka ee labo sano ka hor ka dhacay magaalada Fukushima ee dalka Jabbaan wuxuu weli saamayn ku leeyahay sida dadka iswiidhishku u arkaan tamarta nukliyeerka. Baaritaan uu sameeyey Machadka SOM oo ay ka qaybqaateen 1500 oo qof ayaa lagu muujiyey in dadka ka soo horjeeda tamarta nukliyeerku ay sannadkii labaad ka badan yihiin kuwa taageersan.

Waxaa baaritaanku lagu xaqiijiyey in aragtida tamarta nukliyeerku ay ku kala duwan tahay jiilasha. Dadka da’da yar oo ka soo horjeeda ayaa ka badan waayeelka, halka dumarku kaga badan yihiin ragga. Ragga ayaa badankood taageersan yihiin tamarta nukliyeerka.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".