Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Weli rajada suuqa shaqadu ma wanaagsana

Xafiiska shaqada oo maanta ka warbixiyey xaaladda suuqa shaqada ayaa sheegay in weli heerka shaqala’aantu sarreyso iyo in dadka aan shaqada haysan sii kordhayaan. Dad gaarayaa 6 600 ayaa digniin lagu siiyey in shaqooyinka laga cayrin doono. Taasina waxay tiradii sannadkii 2012 ka badan tahay 1600 oo qof.

Waxaase suuqa shaqada ka soo iftiimaya rajo wanaagsan. Tiro aad u sarraysa oo ka mid ah shaqaalihii maamulka ee shaqada laga cayriyey ayaa shaqo ku helay caawimaad ay ka heleen Golaha badbaadada shaqada oo loo yaqaan Trygghetsrådet. Agaasimaha guud ee golaha badbaadada shaqadu Calle Leinar waxaa muuqda isbeddel:

– Tirada dadka shaqada laga cayrinayaa ma soo kordhayaan. Kuwo badanna shaqo cusub ayey helayaan. Xaaladdii bisha Maarso waxay ahayd mid yididiilo wanaagsan.

Golaha badbaadada shaqadu waxa weeye urur ay isla leeyihiin ururada shaqaalaha iyo shaqa-bixiyayaasha.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".