Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Malaayiin baabuurta Jabbaan oo la dalbay in dib loo soo celiyo

La daabacay torsdag 11 april 2013 kl 12.40
Sawirle: Scanpix.

Kadib markii cillado laga helay barkinta shilka ee baabuurta jabbaanka qaarkood ayaa la dalbay in dib loo soo celiyo baabuur tiradoodu kor dhaaftay saddex milyan oo ku kala firirsan dunida dacaladeeda. Shirkadaha baabuurta oo jabku soo gaaray waxaa ka mid ah Honda, Mazda, Nissan iyo Toyota.

Sida uu sheegay qof u hadlay shirkadda Toyota cilladda laga helay baabuurta ayaa ah in barkinta ku dhegsan dareewalka agtiisa aysan furmayn marka shil dhaco. Waxaa Iswiidhen dib looga celinayaa ilaa 10 000 oo ah baabuurta Toyota oo soo baxay sanadihii 2001-2004.

Isha: TT, DN, SvD

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".