Sawirle: Andreas H. Nilsson/Scanpix.

EU oo saartay sharciyo cusub oo lagu dhimayo musuqmaasuqa

Midowga Yurub ayaa soo saaray sharciyo cusub oo loogu talagalay in shirkadaha ka qota alaabta dabiiciga ah meelo ka baxsan dalalka Midowga Yurub oo bixiya kharash ka badan 100 000 euro ah ay soo gudbiyaan qoraal qeexaya lacag-bixintaas. Taasna waxaa looga gol leeyahay in lagu yareeyo musuqmaasuqa. Shirkadaha ay sharciyadaan cusubi khuseeyaan waxaa ka mid ah shirkadaha ka ganacsada macdanta dhulka lagu qodo, kaymaha iyo saliidda shidaalka. Ujeeddada sharciyadaana waxa weeye sidii wershado cusub loo bilaabi lahaa iyo sidii loo fududeyn lahaa in baaritaano lagu sameeyo ganacsiga shirkadahaas.

Baarlamaanka Midowga Yurub wuxuu kaloo doonayey in sharciyadaasi ay saameeyaan shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa dhismaha, laakiin waxaa la marsiin waayey wakiilada ka socda dowladaha dalalka ku bahoobay Midowga Yurub.

Isha: SvD

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".