Dhallaanka dadka danyarta ah xaq ha loo siiyo dugsiyada barbaarinta

Carruurta ku koreysa qoysaska danyarta ah waa in ay xaq u yeeshaan in ay tagaan dugsiyada barbaarinta ugu yaraan 30 saac toddobaadkii. Guddi-hawleedka xisbiga Mooderaatka ayaa ra’yigaas soo jeediyey si loo hagaajiyo xaaladda nolosha carruurtaas.

Wakhtigaasi wuxuu laba jeer ka badan yahay saacadaha ay maanta dugsiyada barbaarinta dhigtaan carruurta waalidkood shaqala’aanta yihiin ama waxbarashada ku jiraan ama ayse guriga ku joogaan fasax waalid.

Wasiirka caymiska dadweynaha Ulf Kristersson, oo ka mid ah guddi-hawleedka xisbiga, ayaa TT u sheegay in uu qabo in la yareysto ahmiyadda ay dugsiyada barbaarintu u yeelan karaan kor-u-qaadidda nolosha carruur badan oo ku nool xaalado adag.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".