Miro kala duwan oo la qaboojiyey

Miraha barafeysan oo laga qaadi karo cudurada hebatiitka

Waxaa laga shakiqabaa in miraha sida barafka loo qaboojiyey ay sababeen in cudurka hepatit A ka dillaaco Iswiidhen iyo dalal kaloo ku yaal waqooyiga Yurub. Miraha lagu tuhunsan yahay in ay xambaarsan yihiin cudurkaan waxaa ka mid ah kuwa af-iswiidhishka lagu yiraahdo jordgubbar. Machadka ka hortagga cudurada faafa ayaa hadda ku talinaya in la kariyo dhammaan miraha barafaysan inta aan la cunin.

Marka laga soo bilaabo horraantii bishii diseember waxaa Iswiidhen laga helay 22 dhacdo oo ah cudurka hepatit A. Tirada caadig ah ee cudurka waxay qiyaastii soo ahaan jirtey ilaa shan dhacdo.

Cudurka Hepatit A waxaa kaloo loo yaqaan cagaarshowga safmarka ah oo astaamaha lagu garto ay ka mid yihiin xummad, lallabbo iyo jirka oo tartiib tartiib u yeesha midabka jaallada ama huruudda. Dhallaanka illa toddoba sano jira badanaaba uma xanuunsadaan cudurkaan sida dadka waaweyn in kastoo ay dadka kale qaadssin karaan.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".