Arbetsförmedlingen Halmstad Foto: Sara Hector/Sveriges Radio

Xafiiska shaqada oo shirkado iska mamnuucay inuu la mucaamiloodo

Markaan kor-meerka ku tagno kuma aragno caqabadahaa
0:46 min

Agaasimaha guud ee hayadda xafiiska shaqada Angeles Bermudez-Svankvist oo jawaab ka bixisay dhaleecayn kaga timid dhanka dawladda iyo daldaloollada howlaha kor-meerka hayadda ee shirkadaha madaxa-bannaan ee haga dadyoowga shaqa-la'aanta ku sugan ee is-daba-mariska ka sameeyay halkii ey ka caawin lahaayeen.

Angeles Bermudez-Svankvist ayaa sheegtay mar ay u warrameeysay laanta wararka Aktuellt ee idaacadda la iska daawado ee SVT in hayaddeedu xiri doonto wada-shaqeeynta ay la leedahay shirkadaha aan howlaha u qaban sidii looga baahnaa.
- Aaad ayaan uga carooday. Kolka aan kor-meer annagu ku sameeyno, ma aragno waxyaabaha laga sheeganeyo, maadaama ey u dhaqmaan sidii heshiisku ahaa, sida ay sheegtay Angeles Bermudez-Svankvist.

Isha/ SVT

                                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".