Sawirle: Kajsa Carlsson/Sveriges Radio.

Björklund oo soo jeediyey in tayada dugsiyada kor loo qaado

Wasiirka waxbarashada ayaa maanta soo bandhigay saddex hindise oo uu ku doonayo in tayada waxbarashada dugsiyada lagu wanaajiyo. Wuxuu wasiirku doonayaa in xeerka dugsiyada wax laga beddelo si lacag dheeraad ah loo siiyo dugsiyada ku sugan xaalado liita, in la kordhiyo shuruudaha lagu xirayo dadka doonaya in bilaabaan tacliinta macallinimada iyo in wax laga beddelo imtixaanka jaamicadda lagu galo.

- Waxaan imtixaanka jaamicadaha ku soo rogi doonnaa xad sare oo lagu gudbo. Qofkii aan imtixaanka ku gudbinna jaamicadda ma bilaabayo. Sidaas waxaa wargeyska DN u sheeegay wasiirka waxbarashada Jan Björklund.

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".