Sawirle: Janerik Henriksson/Scanpix

Cumar Mustafa oo jawaab ka bixiyey eedihii loo soo jeediyey

Cumar Mustafa oo dhowaan loo doortay hoggaanka xisbiga Sooshiyaal dimoqraadiga ayaa jawaab ka bixiyey dhaleeceyntii ku saabsanayd in hadda ka hor isagoo ah guddoomiyaha dalladda ururada islaamiga uu shir uu ururku lahaa ku casumay dad lagu yaqaan yuhuud-nacaybka.

Cumar Mustafa ayaa warqad uu hadda ku qoray wargeyska Aftonbladet ku sheegay in uu ka xun yahay in dhaqankiisii loo fasirtay in uu yahay yuhuud-nacayb. Wuxuu kaloo caddeeyey in uusan aamminsanayn fekradaha dadkaasi qabaan. Wuxuu kaloo sheegay in ay habboonayd in uu mar hore arrintaan mawqif cad ka qaato. Cumar Mustafa wuxuu qoraalkiisa ku caddeeyey in marnaba la aqbali karin cunsuriyadda iyo muxaadarooyinka ku dhisan nacaybka. .

Ilaha: Aftonbladet, Expressen, GP

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".