Gudaha siinagoogada Yuhuudda. Sawirle: Gunnar Bolin/ SR

Wadaad lagu shaqaaleyn diidey mabaadiida uu aamin-san yahay

Wadaadka hor-u-socodka ah ee diinta Yuhuudda David Lazar, kuna caan-baxay xil-iska-saaridda su'aalaha la xiriira xuquuqda dadyoowga hptq-ga ayaa laga hor-istaagay in laga howl-geliyo goobaha urur-diimeedka qowmiyadda Yuhuudda ee magaalada Istockholm.

David Lazar, ayaa ku soo xirey urur-diimeedka dadyoow badan, isla-markaana taageero ballaaran ku leh aaladaha war-baahinta ee bulshasda (sociala medier), hase yeeshee lagu heshiin waayey mushaarka iyo dhanka caqiido ahaan loo janjeero, sida uu sheegay Thomas Bab oo urur-diimeedka u qaabil-san dhanka heshiiska.

Isha/ TT

                                                                           kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista