Sawirle: Elin Härling

Xukun laga khafiifiyey nin gacan ku lahaa fal galmeed dhallaan

Maxkamadda racfaanka ayaa maanta go'aamisay iney hoos u dhigto gaarsiisana xabis afar sannadood iyo bar ah, xukun siddeed sannadood ah oo ay horay maxkamadda degmadu ugu riday nin 52 ah ee lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay abaabulkooda dhallaan lagula kacey falal fara-xumeeyn ah ee ku sugnaa dalka Filipiin isaga oo ka hagayay dalka Iswiidhen iyo aaladda internetka.

Maxkamadda racfaanka ee Malmö ayaa qiil uga dhigatay go'aankeeda inuu eeday-sanuhu qeyb ka ahaa laba fara-xumeeyn oo loo aqoon-saday inuu hor-seeday kufsi, halka siddeedda kalena looga khafiifiyey. Maxkamadda racfaanka ayaa sidoo kale in ka badan kala bar hoos u dhigtay mag-dhawgii horay loogu xukumay 52-jirka inuu dhallaanka siiyo lana gaarsiiyay 335 000 oo koron, halka ay hore maxkamadda degmadu ugu xukuntay mag-dhow gaaraya 885 000 oo koron.

Isha/ TT

                                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".