Bangiga adduunka oo ka digay inaan gudaha Soomaaliya wax laga qaban

Hoowlo caalami ah oo ey ku baxeen dhaqaale aad u baaxad weyn ayaa ugu wacan iney markii ugu horeeysay saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey hoos aad ugu dhacaan falalka burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya. Hase yeeshee uu bankiga adduunku ka digay iney falalkaasi soo laba-kacleyn doonaan haddii aan wax laga qaban xaaladda dalka Soomaaliya gudaheeda.

Burcad-badeeddu waxey mar walba taageero uga baahan yihiin dhulka iyo sidii ey heshiisyo baad ah u geli lahaayeen. Iyadoona lacagaha baadaha ah ee la siiyo burcad-badeedda ey qeyb weyn ku yeeshaan dadyoow fara kut iris ah ee leh awood siyaasadeed, sida uu war-bixin ku qoray bangiga adduunku. Bangiga ayaa ku qiyaasaya in illaa iyo 2005 ey gacmaha bur-cad-badeedda galeen lacag gaarsiisan 315 illaa 385 malyuun oo doolar.

Dalka Iswiidhen ayey ciidammo mariinees ah kaga sugan yihiin gacanka cadmeed iyo bad-weynta Hindiya, kuwaasina oo gacan ka geeysanaya la dagaalanka bur-cad-badeedda.

Isha/ TT

                                                                         kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".