Sawirle: Heiko Junge/Scanpix.

Qiimaha cunnada degdegga ah oo laga cabsi qabo kor u kac

Shirkado dhowr ah ayaa kor u qaadi doona qiimaha raashinkooda diyaarka (degdegga) ah, middaasina ugu wacan tahay fadeexooyinkii beryahan ka socday hilibka faraska ee laga heley raashin aan lagu sheegin inuu hilib-fardeed ku jiro.

Shirkadda cunnada ee Dafgård ayaa sheegtay mar ay u warrameeysay war-geeyska "Dhulka iyo beeraha - Land iyo Lantbruk" inay qandaraas la geli doonto oo keliya shirkadaha iyo kawaannada la hubo raashinkooda ee tayada leh, middaasina sababi doonto in qiimaha cunnadu uu kor u kaco.

Sidoo kale shirkadda cunnooyinka ee Findus ayaa iyaduna sheegtay in facsharradii dhacey sababi doonaan sicir-barar kala soo gudboonaada dhanka cunnada hadday noqon lahayd shirkadda iyo macaamiishaba.

Isha/ Ekot

                                                                       kenadid.mohamed@gu.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".