Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Lacag barkeering oo la dhunsadey

La daabacay måndag 15 april 2013 kl 12.38

11 milyan oo ah lacag laga soo aruuriyey mashiinada barkeeringa magaalada Malmö ayaa la dhunsadey. Nin iyo haweyney u xilsaarnaa in ay lacagta ka soo aruuriyaan mashiinada barkeeringa oo lacagta geeyaan meel lagu tiriyo ayaa lagu eedeeyey in ay falkaan lacag dhunsiga ah ku kaceen kuwaas oo hada dacwad lagu soo oogey, sida uu qorey wargeyska Skåne Dagbladet.

Ninka ayaa qirtey danbigaan lacag dhunsiga ah halka haweyneyda inkirtey.

Sidoo kale nin kale oo lagu eedeeyey in uu ku caawiyey lacag dhunsiga ayaa dacwad loogu soo oogey,balse ninka ayaa denbiga lagu eedeeyey inkirey.

Isha:TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".