Qof rasaasi dishay

Rasaas ka dhacday waddada Stjärnbildsgatan ee galbeed Bergsjön habeenkii axadda ayaa hal qof ku dhintay, halka mid kalena ku dhaawacmay. Boliisku waxay dhacdaas ku sifeysey dil kas u dhacay ama mid aan u la kac ahayn.

Labadaas qofna waxaa ambalaas loogu qaaday isbitaalka, halkaas oo midkood la caddeeyey in geeriyooday, kan kalena weli looga daaweenayo dhaawacyadii ka soo gaaray rasaasta.

Habeenkii axadda saacaddu kolkay ahayd 23:20 ayuu boliiska soo gaaray alaarmi ah in isxabbadayn laga maqlay degaankaas. Weli ma jiro cid la tuhunsan yahay in kastoo waraysi lala yeeshay tiro dad ah.

Goobtii rasaastu ka dhacday oo maanta oo isniin ah laga xiray dadka ayaa ciidanka farsamada boliisku ku hayaan baaritaan.

Isha: SR P4 Göteborg

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista