Fikirkii howl-gabka dawladda oo laga biyo diidey

Baaritaankii dawladda ee la xiriiray sidii wax looga bedeli lahaa da'da lagu galo howl-gabka iyada oo middaa lagu saleeyneyo da'da nolosha bulshada ayaan helin taageero ballaaran, sida ay qortay hayadda wararka Iswiidhen ee TT.

Haweenka da'da dhexe ayaa ugu badan kooxaha bulshada ee fikirkaa sida weyn uga soo hor-jeeda, sida ku cad baaritaan ay shirkadda saadaalinta Sifo u sameeysay Avanza.

64% haweenka da'da dhexe ayaa ka biyo diidey qorshahaa, sidoo kale dhallinyarada ayaan fikirro wanaagsan ka bixin, halka ey saddexdiiba mid fikirkaa u janjeereen.

Baaritaankan ayaa la sameeyey muddadii u dhexeeysay 10 illaa iyo 12 bishan abriil, iyadoona su'aalo lagu weeydiiyey dadyoow gaarsiisan 1 095.

Isha/ TT

                                                             kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".