Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Falalka ka ganacsiga bani'aadamka oo kor u kacey carriga EU-da

La daabacay måndag 15 april 2013 kl 16.37
EU-da oo dardar-gelinaysa la dagaalanka ka gancsiga oogada
(2:09 min)
Sawirle: Scanpix.

Xaaladda ka ganacsiga bani'aadamka ayaa ku sii badaneysa waddammada xubnaha ka ah ururka Miodwga Yurub ee loo soo gaabiyo EU-da, sida ku cad war-bixin laga soo saaray hoggaanka sare ee ururka Midowga Yurub oo dhowaantan la baahin doono, sida ay sheegtay laanta wararka ekot ee idaacadda Iswiidhen.

Halka dhanka kale ey lix waddan oo keliya ee ururka eu-da ka mid ahi ey ku tallaabsadeen ama qaateen xeerarka cusub ee hor-tegeyo ka ganacsiga bani'aadmi-nimo.

[Duration:0:07]

- Xaqiiqdii waa xaalad halis ah. Waa hab la oran karo adoonsiga casriga ah, sida ay sheegtay Cecilia Malmström, ahna xubinta dalkan u metesha hoggaanka sare ee ururka eu-da.

Muddadii u dhexeeysay 2008 illaa iyo 2010 ayey kor u kaceen inta la ogsoon yahey falalka ka ganacsiga bani'aadamka ee waddammada xubnaha ka ah ururka eu-da 18%, middaasina oo gaartey tiro gaarsiisan 7 400. Halka waddammada qaarkood sida Holland ey tiradaasi kor u kacdey 40%.

Kor u kacan ayaan la ogsooneyn waxyaabaha u sababta ah, halka mid ka mid ahi la sheegeyo inay tahay in hayadaha ku shaqa lihii awood dheeri ah middaa saareen, hase yeeshee aaney runtu middaa wada ahayn.

Dhanka kale waxaa yaraatey falalka ey maxkamadduhu xukunka ku ridaan:

[Duration:0:15]

- Kolka lala sheekeeysto ciidanka ammaanka iyo xeer-ilaaliyeyaasha waxey leeyihiin iney aad u adag-tahay sidii lagu caddeeyn lahaa in falalkaasi ahaayeen ka ganacsi bani'aadam, sidaa daraadeed waa in la dardar-geliyaa wada-shaqeeynta ciidanka ammaanka, xeer-ilaaliyeyaasha iyo ururrada ku howl-gala arrimmahaa, iyo sidoo kale in laga shaqeeyo sidii loo badbaadin lahaa markhaatiyada, si ey ugu dhiiradaan iney markhaati ka noqdaan, sida ay sheegtay Cecilia Malmström, qabtana in lagu guul-dareeystey middaa.

Iyada oo ey aad kor ugu kaceen falalka ka ganacsiga oogada bani'aadamka ayey lix waddan oo dalkan Iswiidhen ka mid yahey ey hir-geliyeen xeerarkii heshiiska lagu wada gaarey sannadkii 2011.

Dadyoowga laga ganacsado oogadooda ayaa inta badan ka soo jeeda waddammo fukharo ah oo ka bax-san kuwa xubnaha ka ah ururka Midowga Yurub, sida Ruumeeniya iyo Bulgaariya oo iminka uu ururka eu-du ku miisaaniyad-geliyo sidii ey ula dagaali lahaayeen ka ganacsiga bani'aadamka.

Isha/ Ekot

                                                              kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".