Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Ururka shaqaalaha degmooyinka oo ku hanjabay shaqa ka fariisi

La daabacay måndag 15 april 2013 kl 17.53

Ururka shaqaalaha degmooyinka iyo gobollada ayaa ku dhawaaqay shaqa ka fariisi. Ururka ayaa soo jeediyay in shaqaalaha xubnaha ka ah kor loogu qaado mushaarooyinka ey qaataan 1 740 koron muddo saddex sannadood ah, waana shuruud uu ku garab-siinayo ururka daladda ee LO, khaasatan shaqaalaha mushaarooyinkoodu ka hooseeyaan 25 000 oo koron bishii.

Shaqa ka fariisigan ayaa lagu tallaab-san doonaa 29-ka bisha abriil, midkaasina oo khuseeyn doona shaqaale gaarsii-san 8 971 ruux.

"Waxaan dareemeynaa in loo baahan yahey inaan tallaabo ka qaadno iminka. Waa mid salka ku haysa in ururka shaqaalaha degmooyinka oo u badan haween ey ka mudhaarad hooseeyaan xirfadaha ey raggu u badan yihiin ", sida ay qortay Annelie Nordström, hogaamiyaha ururka degmooyinka mar ay faallo ka bixisay. 

Tallaabada uu qaatay ururka shaqaalaha ee degmooyinka ayey ku taageereen lix urur shaqaale oo ey ka mid yihiin ururrada Dhismaha - Byggnads, Elektrooniika - Elektrikerförbundet, Ra'sumaalka aan guurin - Fastighets, Ranjiileyaasha - Målarna iyo Seko.

Ilaha/ Kommunal,TT

                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".